ALXAMDULILLAAH!
Mahad idilkeed oo dhan Allaah ayaa iska leh oo inoo suuragaliyay in uu noo qabsoomo shir sanadeedkii 9aad ee ORPHANCARE. Waxaa mahadaas mid lamid ah leh walaalihii soo ajiibay codsigeena nagalana soo qeyb galay kulanka.
Maamulka Orphancare ayaa soo bandhigay waxqabadkii iyo xisaab celintii 2019 taas oo ayna aad ula dhaceen marti sharaftii & muxsiniinta ku tabarucda dhaqaalaha waxbarasho/ka farxinta agoonta.
Maamulka Orphancare ayaa halkaa ka sheegay in hiigsiga 2020 inuu yahay tiro kordhin lagu samayn doono agoonta wax barata, lana gaarsiin doono tirada 170 agoon oo dhigata dugsiyada kala duwan. Sidoo kale 35 agoon oo dhamaysay dugsiyada sare iyo Qur'aanka kariimka, wadarta guud ee agoonta Orphancare taakulaysay ayaa noqoneysa 205 agoon.
HAL KU DHEGA ORPHANCARE AYAA LAGA SOO BILAABO TAN & AASAASKEEDII MAY 12, 2010 AHAA NAFTAADA KA QAAD oo NAFTAADA U QAAD".
Maamulka Orphancare wuxuu mahad ballaaran u celinayaa dhamaan walaalaha sida joogtada ah uga qayb qaata taakuleynta iyo dib u dhiska agoonta Orphancare.
